Chelsea oo go’aan ka gaartay Alvaro Morata

Weeraryahankan heerka caalami ee reer Spain ayaa tan iyo markii uu kusoo biiray kooxda kadhisan London aan kusoo bandhigin qaab ciyaareed loo riyaaqo.

Xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay xidigan ayaa inta badan tababare Antonio Conte uu usoo dooqan jiray kursiga kaydka ee kooxda Stamford Bridge, taas oo keentaybin ay kooxdo lasoo wareegto Olvier Giroud.

Balse markii uu talada la wareegay tababare Maurio Sarri, xidigan ayaa inta badan kusoo bilaabanayay safka koobaad inkasta oo uusan wali samayn wax isbaddal ah.

Si kastaba ha ahaatee, Sida ay baahisay Sun Sport Chelsea ayaan fursad kale siin doonin Morata ayaga oo suuqa jiilaalka bisha January aan suuqa ka baadi goobi doonta weeraryahan cusub.

Tan ayaana ka dhigan in Blues ay bisha jannaayo la imaan doonto weeraryahan saameen leh, kaas oo kooxda u dhalin kara goolal muhiim ah.