Kooxda kubadda cagta ee Chelsea ayaa dooneysa inay soo af meerto saxiixa laacibka khadka dhexe kooxda CSKA Moscow ee Aleksandr Golovin.
Naadiga reer Spain ayaa diiradda saaraysa inay goor dhow dhammeystirto saxiixa kubbad sameeyaha reer Russia, kaasoo ay u arkaan mid kusoo bixi kara safka koowaad ee Stamford Bridge.
Waxaa taasi barbar socota inay Bules u kulushahay iibinta Danny Drinkwater kaasoo ay dooneyso inay kasoo xareyso lacag si ay isugu qalabeyso Golovin.
Naadiga galbeedka London ka dhisan ayaanan rabin inay iska iibiso laacibka kahadka dhexe ee Rubin Loftus-Cheek, iyo Rose Barkley kaasoo bishii January kusoo biiray Chelsea.



