Chelsea oo ciyaartay siyaasad qoys si Hazard ay uga dhaadhiciso in uusan aadin Real Madrid

Chelsea waxay lasoo saxiixatay Kylian Hazard oo ah wiilka la dhashay Eden Hazard waana arrin ka caawin karta inuu Hazard qandaraas cusub u saxiixo Chelsea, sida laga soo xigtay majaladda Daily Express.

Siyaasaddii ka dambeysay inay Chelsea lasoo wareegto Kylian Hazard goordambe oo xagaagaan ah waxay uga gol laheyd si ay Hazard-ka weyn ugu qanciso inuu qandaraas cusub saxiixo.

Hase yeeshee, 22 sanno jirkaan Kylian Hazard lama filayo inuu si toos ah ugu biiro kooxda koowaad ee Chelsea una ciyaaro, waana sababta loogu diray halka lagu hormariyo ciyaartoyda Chelsea, laakiin saxiixa Kylian Hazard ayaa saameyn ku yeelan doona go’aanka mustaqbalka Hazard.

Hazard wuxuu diiradda u saaran yahay Rea Madrid, tababare Zinedine Zidane ayaana taageere weyn u ah, halka Florentino Perez uu isha ku hayo inuu xiddigaan ka dhigto saxiix Galactico ah.

Hazard ayaa garoomada dhaawac uga maqnaa xagaagana oo dhan, laakiin xiddigaan ayaa haatan garoomada kusoo laabtay waxaana la filayaa inuu ciyaaro kulamada soo aadan ee Blues.