Kooxda kubadda cagta ee Barcelona ayaa waxa ay baadi goob ugu jirtaa sidii ay ku keeni lahayd beddelka Cesc Fabregas kaasoo si aad ah loola xiriirinayo kooxda AC Milan.
Blues ayaa waxa ay beddelka laacibkan u aragtaa xiddigga Barcelona fursad la’aanta ay ka heysato ee Denis Suarez.
Macallin Maurizio Sarri ayaa ka caga jiidaya in Cesc kooxdiisa laga diro, balse Fabregas waxa uu doonayaa inuu wax badan ciyaaro kubadda sidoo kalena uu raadsado koox uu si joogto ugu ciyaaro.
Xiddigga reer Spain ayaa ku jira bilashii ugu dambeeyay qandaraaskiisa Stamford Bridge, waxaana isha ku hayaa dalabaadka u imaanaya bisha Jannaayo ee soo aaddan.
Sarri ayaa inta badan u isticmaalo xiddiggan beddelka Jorginho, inkastoo uusan u ahayn dookha koowaad, isla markaasna keliya afar jeer kasoo muuqday horyaalka Premier League-ga.
Hadda waxaa bartilmaameed u ah Chelsea laacibka kooxda Barcelona ee Denis Suarez kaasoo mustaqbal ifaya aanan ku lahayn Camp Nou.
24-jirkan ayaa waxa uu diyaar u yahay inuu ka dhaqaaqo Barca, maadaama keliya hal jeer oo uu beddel kusoo galay keliya kasoo muuqday Barcelona ciyaaraha La Liga, waxaana lagu qiimeeyaa £15m.



