Kullan looga arrinsanayo xariga Rooboow oo Muqdisho ka socda

Waxaa kullan uu u socdaa Xildhibaanada golaha Shacabka ee kasoo jeeda KGS, qaar kamid siyaasiyiinta kasoo jeeda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Gudoomiyaha golaha Shacabaka Soomaaliya.

Kullankaan oo ka socda Hotelka uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan uu ka deganyahay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga arrinsanayaa xiisada ka dhalatay xariga Mukhtaar Rooboow oo isagoo maxbuus ah Muqdisho laga soo dejiyay.

Sida Risaala ay wararka ku heleyso Xildhibaanadaan la shirsan gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa lagu wadaa in si wada jir ah ay ula hadlaan warbaahinta iyagoo muujin doono mowqifkooda ku aadan xariga Mukhtaar Rooboow.

Qaar kamid ah Xildhibaanada Muqdisho ku shirsan ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya kasoo jeeda ayaa horaan baraha bulshada ugu muujiyay in ay ka xun yihiin xariga Mukhtaar Rooboow, waxaana la saadaalinayaa in ay kasoo hor jeesan doonaan xarigiisa.

Halkaan kala soco wixii kasoo baxa kullankaan.