Chelsea oo go’aan cad u gudbisay Captain Cahil

Kooxda kubadda cagta ee Chelsea ayaa waxa ay ogeysiisay Captain-keeda Gary Cahill inuu xor u yahay inoo kooxda isaga dhaqaaqo.

Blues ayaa u sheegtay in Cahill uu ku biirri karo kooxdii uu doona, maadaama qandaraaskiisa uu dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Waxaa jirtay rajo ku aaddan in Chelsea ay heshiis hal sano ah siiso difaaceeda, balse waxa ay go’aansadeen inay albaabada u furaan inuu kooxda ka dhaqaaqo.

32-jirkan ayaa lumiyay booskiisa difaaca dhexe tan iyo imaanshahii Macallin Maurizio Sarri, isagoo daqiiqado yar ciyaaray.

Antonio Rudiger iyo David Luiz ayaa ah difaacyada dhexe ee uu inta badan isticmaalo 59-jirka reer Italy.

Da’da Cahill oo 32 sano sii cagacageyneysa iyo muhiimadd ballaaran oo uusan ku lahayn safka kooxda ayaa ka dhigeysa in mustaqbalkiisa Stamford Bridge gebi ahaanba uu soo idlaado.

Arsenal ayaa si aad ah loola xiriirinayaa sidoo kale kooxo dhowr ah oo ka dhisan Premier League ayaa wada doonaya saxiixda xiddiggii hore ee Bolton.