Gianluigi DONNARUMMA ayaa lagu wadaa inuu heshiis cusub u saxiixo AC Milan – tasoo meesha ka saareysa inuu ku biro koox kale.
Labada koox ee Manchester United iyo Chelsea ayaa lala Donnarumma isbuucyadii u danbeysay.
Goolhayaha 17-sano jirka ah ayaa soo jiitay dareenka indhaha kooxo waweyn tan iyo markii uu kamid noqday safka koobaad ee Milan.
Waxa uu 22 kulan u saftay kooxda xilli ciyaareedkii ugu horeyay horyaalka Serie A, isagoo sideed kulan shabaqa ilaashaday.
xiisaha ciyaaryahanka ugu imaanaya kooxaha sare ee United iyo Chelsea ayaa keentya in dalabyo £ 30 milyan ah loosoo gudbiyo kooxdiisa.
Wakiilkiisa, Mino Raiola, ayaa qiray in weli heshiis uusan la gaarin kooxdiisa.lakiin laga yaabo inuu qalinka ku doogo heshiis cusub oo uu kusii joogayo garoonka San Siro.


