Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa eedeyn culus u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu sheegay in uu ka dambeeyay tilaabadii looga aamusay go’aankii Buuraha Golen Heigts.
“Ma jiro safiir go’aan qadiyad caalami ah ka qaadan kara iyada/ isaga oo aan la tashan Madaxda sare ee dalka. Waa la ogyahay cida go’aanka qaadatay iyo cida ku cadaadisay intaba.”ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakur.
“Madaxweynuhu waa in uu si geesinimo leh masuuliyada u qaadato oo uu san Safiirka madaxfurasho ka dhigan, wasaaraduna warqado shacabka ku jahwareerin. Safiiradu waa in ay cadayso in go’aanku amar dawlad ahaa ee aysan aqbalin in maalmo Muqdisho la keeno, ka dibna shaqadeeda lagu celyo, iyaduna eeda qaadato.”
Ugu dambeyntii siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraalkiisa ku cadeeyay in hore go’aan sidan oo kale ah uu ugaga aamusay safiirka dowlada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay taasoo ku saabsanayd aqoonsiga caasimada Israel ee Qudus.
“Sidan oo kale ayuu Madaxweyne Farmaajo ku cadaadiyey Safiirka Soomaaliya Qaramada Midoobay u fadhiya in uu ka aamuso go’aankii lagu canbaareeyey in Qudus ay tahay Caasimada Israel. Hadii uu Madaxweynuhu ku qanacsan yahay in ay aamusnaanta go’aanadan dani ku jirto, ha yeesho geesinimo uu masuuliyada go’aanka ku qaato. Laakiin ma dhici karto, laga soo bilaabo dhiibistii Qalbidhagax in la yiraahdo Madaxweynuhu ma ogayn.” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.



