iyadoo kol sii horeysay xaasaska dagaalyahanada qeybta ka ah Ururka Alshabaab ee ku nool Degamada Balad xaawo ee Gobolka gedo lagu amray in ay isaga baxaan halkaasi ayaa waxaa soo cusboonaaday cabsi xoogan oo laga qabo in shabaab halkaasi dhaq dhaqaaqyo ciidan ka sameeysaan.
Sida ay inoo xaqiijiyeen qaar kamid ah dadka deegaanka waxaa Degmada Gudaheeda lagu daadiyay warqado loogu caga jugleynayo dhalinyrada xiliyada habeenkii ah kubada ku ciyaara, iyo cid waliba oo ku faraxsan amarka ka dhanka ah xasaaska shabaab ee dhawaan degmadaasi lagu soo rogay.
Waxaana bilaabatay in dadka deegaanka ay aad u feejignaadaan iyagoo ka walwalsan weeraro ay shabaab kusoo qaadan dad gaar ah oo Degmadaasi ku nool.
Wararka ayaa intaas ku daraya in warqadahaan lagu daadiyay bartamaha Balad Xaawo gaar ahan goobaha dadku isasgu imaadaan xili habeen ah.
Warqadahaan oo aanan la ogeyn cida Degmada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo ku daadisay ayaa u muuqda kuwo lagu baqdin gelinaayo dadka degan Degmadaasi mana jirto war ku saabsan warqadahaan caga jugleynta ah oo kasoo baxay Maamulka Degmada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo.



