Cabsi dhanka amniga ah oo ka taagan woqooyi Bari Kenya ayaa halis ku noqotay Waxbarashada gobolkaasi kadib markii macallimiin iskuulada gobolka wax ka dhigayay oo ka soo jeeda qeybaha kale ee Kenya ay dalbadeen in gobolkaasi laga badalo.
Arrintan ayaa salka ku haysa dilka Saddex macallin oo bishii Febraayo lagu dilay deegaanka Wajeer, waxaana dilkaasi lagu eedeeyay xarakada Al-Shabaab.
Macallimiinta doonaya in gobolka laga baddalo ayaa ku doodaya in Saddexdaasi macallin loo dilay sababo la xiriira diintooda balse arrintan ayaa Saddexdii sano ee la soo dhaafay ka taagnayd gobolka.
Sidoo kale Macalimiinta aan ka soo jeedin Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya ayaa waxa ay sheegeen in walwal badan ay ka qabaan in la waxyeeleeyo, taasi oo kaga imaaneysa Shabaab.
Qaar ka mid ah masuuliyiinta dhanka ammaanka Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegay in dhawr jeer ay ku qanciyeen macalimiinta in ay ka shaqeeyaan Gobolka, amnigoodana laga sugayo, balse macalimiinta ayaa ku qanci waayay hadalka laamaha ammaanka.


