Warbaahinta dalka Itoobiya ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay gacanta u galisay dowladda Itoobiya C/ Xakiin Sheekh Muuse oo kamid ahaa jabhadda Waddaniga ah ee xoreynta gobolka Ogaden (ONLF).
Galmudug ayaa sheegtay in ciidamada Nabad suggida Qaranka ee ay dhawaan kasoo qabteen ninkaasi Magaalada Gaalkacyo ,islamarkaana ay usoo dhoofiyeen Magaalada Muqdisho.
Wargeyska Ethiopian Observer oo warbixin ka qoray arinta C/ Xakiin Sheekh Muuse ayaa sheegay in uu ninkaasi gacanta u galay dowladda Itoobiy, waxaana Wargeysku uu sheegay in diyaarad Millateri looga soo qaaday Soomaalia ,islamarkaana la geeyey Qalbi garoonka diyaaradaha ee magaalada Bishoftu ee dalka Itoobiya.
Sidoo kale Wargeyska ayaa caddeeyay in gacan gelinta Cabdixakiin ay fududeysay dowladda Soomaaliya, Islamarkaana xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya ay arintaasi ka dambeeyeen.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Qalbi Dhagax oo sanadyadii lasoo dhaafay kunoolaa degaanada Galmudug gaar ahaan Gaalkacyo uu codsaday in uu kabaxo Ururka ONLF,islamarkaana laga saaro liiska ururkaasi, waxana dowladda sheegtay in ay u geyn doonto dowladda Itoobiya oo ku raadjoogtay Qalbi dhagax Liiskana laga saari doono.
Wargeyska ayaa sheegay in xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya ay dhexdhaxaadin ka dhexwaddaan dowladda Itoobiya iyo Qalbi Dhagax.
Sidoo kale waxa uu wargeysku sheegay in Cabdixakiin Qalbi dhagax uu dagaal kula jiray itoobiya illaa 1984.
Galmudug ayaa si weyn uga carootay soo qabashadda Ninkaasi, waxaana ay ka codsaday dowladda Soomaaliya in gacanta Galmudug lagu soo celiyo ninkaasi.


