BT Sport Oo Xuquuqda Baahinta Tartamada Yurub Ku Garaacday Sky Sports

BT Sport ayaa difaacday xuquuqda baahinta tartamada yurub (Champions League Iyo UEFA Europa League) tan iyo 2021, waxeyna jeebka ku shuban doonaan 1.18 Billion  Oo Pound.

Sadexda sano ee heshiiska ah wuxuu ka bilaabanayaa xili ciyaareedka  2018/19, waxaana xili ciyaareedkii uu ku qiimeysnaan doonaa 394 Million Oo Pund.

Waa rajo ay wax badan ku taamayeen in heshiiska loo kordhiyo balse sida warbixino badan sheegayaan waxey kulamada qaar si hoose oo sharci ah u siin jireen ITV, madama daawashada tirooyinka kulamada aysan badi awoodin iney wada baahiso.

Balse tan iyo sanadka 2018, xitaa xuquuqda goos-gooska ma yeelan doonto ITV, waxaa gabi ahaanba wada dabooli doona baahi walba BT Sport.

Cusbooneysiintaan, waxey Sky Sports ka hor istaagi kartaa iney tartamada yurub baahiso, waxaana suuqyada UK dhan qabsan doona BT Sport.