Biye xireen burburay oo ku yaalay Brazil ayaa sababay dhimashada inta la ogyahay 7 ruux iyadoo in ka badan 200 oo qofna la la’yahay, waxaana dadkaasi badi ay ku sugnaayeen Magaalada Brumadinho oo dhacda jiinka wabiga biya xireenka soo jabsaday.
Saraakiil gurmad deg deg ah oo doonaya in ay badbaadiyaan dhibanayaasha masiibadaani ayaa gaaray Magaaladaasi, waxa ayna si hor dhac ah u sheegeen in dhiiqo iyo Biyo is wata ay kusoo fataheen ayna ka sara mareen guryo badan.
Sawiro fogaan dheer laga qaaday ayaa muujinaya Diyaaradaha khumaatiga u kaca oo dul meereysanaya magaalada iyaga oo xirka u tuuraya dad diiqo kula jira qeybo kamid ah jirdkooda, waana habka ugu macquulsan ee dhibanayaasha lagu soo badbaadin karro.
Afar ruux ayaa diyaarahadaasi ilaa haatan ay soo badbaadiyaeen waxaana la dhigay Isbitaal si loola tacaalo xaaladooda caafimaad waxaana imninka soo hagagaya cafimaadkooda.
Madaxweynaha Brazil Jair Bolsonaro ayaa isaguna lagu wadaa in uu booqdo Magaaladaasi Biya xireenka kusoo karkaar jabsaday, waxaana sidaasi warbaahinta gudaha ee Brazil u xaqiijiyay Afhayeen u hadlay Madaxweynaha.
Waxaase lasoo warinayaa in ay adagtahay in loo tilaabo Magaaladaasi maadama wadooyinka gala ay xireen dhiiqo iyo biyo is wata, waana sababta ay u adagtahay in si sahlan loo soo samata bixiyo dadka ku waxyeeloobay.
Magaalada Brumadinho waa magaalo yar oo ku taalla webi jiinkiisa waxaana ay hoyi u tahay 39,000 oo ruux, qeybo badan oo kamid ah magaaladaasina iminka waxa ay la ciir ciirayso biyaha wabiga oo kusoo rogmaday.
Masiibadaan waa midii ugu horeysay ee ka dhacda dalka Brazil tan iyo markii Madaxweyne Bolsonaro xafiiska la wareegay, waxa ayna u muuqataa in uu juhdi badan ku bixinayo sidii uu dadka waxyeelada hantiyadeed iyo nafeedba ka soo gaartay masiibadaani uu kaga soo samata bixin lahaa halkaasi, isaga oo u diray badbaadiyayaal khibrad fog u leh la tacaalida masiibooyinka nuucaani ah.
XIGASHO: Press TV.



