Neymar ayaa dhaliyey goal caaqibo lahaa xili xulkiisa Brazil culeyska kusii badiyeen xulka Argentina marka la eego isreebreebka World Cup oo ay xaley ku garaaceen 3-0.
Xidiiga Barcelona ayaa dhaliyey goolkiisii 50thaad ee Xulka, waxaana labada gool ee kale Selecao u saxiixey Philippe Coutinho iyo Paulinho, sidaana guul muhiim ah ku gaareen.
Natiijadan ayey ka dhigan tahay in xulka Argentina,uusan wax guul ah ka gaarin isreebreebka kobka aduunka Afartii kulan ugu danbeeysay.


