Man United Oo Si Lama Filaan Ah Bartilmaameed Uga Dhiganeysa Mesut Ozil

Tababare Jose Mourinho ayaa doonaya inuu u dhaqaaqo si waliba lama filaan ah ciyaariyahanka mucaraadsan heshiiska Arsenal ee Mesut Ozil.

Xidiga heerka caalami ee Jarmalka ayaan wali wax heshiis kordhin ah u sameynin Arsenal taas oo foojignaan galineysa  maamulaha Man United Mourinho.

Ujeedada Special One waa inuu ka faa’iideystaa is mari waaga ka dhaxeeya wakiilada xidigaan iyo mnadaxda Arsenal taas oo ku qotonta mushaaraadka uu qaadanayo xidigaan.

Ozil oo 28 jir ah waa qofka hada ugu mushaaraadka badan xidigaha Arsenal isagoo asbuucii qaata £140,000, Arsenal waxaa ay hada  juhdi galineysa iney laacibkaan heshiiska u kordhiso kaas oo dhacaya 2018-ka.

Laakiin dalabkooda waxaa ay ka bilaaneen £200,000 asbuucii taas oo ka yar £250,000 oo ah mushaarka ay Man United rabto iney siiso xidigaan hadii uu kusoo biiro.

Ozil hada waxaa uu ku jira qaab ciyaareedkii ugu fiicnaa nolashiisa mana eegeeyo inuu ka tago Arsenal sida ay qortay The Sun.

Balse ninka Jarmalka ah waxaa uu xiriir wanaagsan kala dhaxeeyaa Jose Mourinho tan iyo markii ay si wadajir ah ugu guuleysteen horyaalka Spain 2012 iyagoo ka wada tirsan Real Madrid.

Dib u laabo Jose Mourinho waxaa kasoo burqaday “Ozil waa mid gaar ah” waa nambar 10-ka ugu fiican aduunka.