Boqollaal qaxooti ah oo lagu xiray dalka Mareykanka

Dadka u ololeeya arrimaha qaxootiga ayaa sheegay in boqollaal qof oo muhaajiriin ah lagu soo qabqabtay howlgallo Mareykanka ka dhacay.

Saraakiisha waaxda socdaalka ee Mareykanka waxay sheegeen in howlgallada ay ka fuliyeen Los Angeles, Atlanta, Chicago, New York, Texas iyo North-Carolina.

Arrintaasi ayey ku tilmaameen inay qeyb ka tahay u hogaansamidda shuruucda Trump uu soo rogay.

Laakiin xubnaha socdaalka waxay sheegayaan in howlgallada noocaan ah ay la mid yihiin kuwa caadiga ah ee ka dhanka ah burcadda.

Waxay tilmaameen in madaxweynayaashii hore xilligoodii la sameyn jiray howlgallo noocan ah.

Hay’ad u dooda xuquuqda qaxootiga Los Angeles (Chirla 2) ayaa sheegtay in dadka la xiray loo diiday inay qareeno helaan.