Booliska Soomaaliya oo War kasoo saaray weerarkii ka dhacay liido

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in xalay fidkii 09/Jun/2023 abaare 07:55 PM 7 katirsan Al-Shabaab ay Weerar ku qaadeen Hoteel
Pearl oo ku yaalla Degmada Cabdicasis.

Warsaxaafadeed kasoo baxay ayaa lagu sheegay in  Hoteelka ay Al-Shabaab weerareen uu ahaa goob ay Dadka Shacabka ah ku shaah cabaan, taas oo muujinaysa sida ay shacabka
Soomaaliyeed ee Muslimiinta u la dagaalamayaan.

“Ciidamada Ammaanka ayaa isla markiiba u howlgalay soo afjarista weerarka
Al-Shabaab, iyaga oo ku guulaystay in ay soo gabagabeeyaan weerarkaas abaare
02:00 AM  ayaa lagu yiri” Qoraalka.

Sidoo kale taliska Booliska ayaa sheegay in weerarka Al-Shabaab ay ku dhinteen 6 muwaadin oo Shacab ah, ayna ku dhaawacmeen 10 kale, Intii ay badbaadintu socotayna ay ku dhinteeny 3 ka
mid ah Cidamada geesiyaasha ee Amniga oo u dagaalamayay badbaadinta
Shacabka Soomaaliyeed.

“Alle mahadi, Ciidamada Amniga ayaa ku guuleystay in ay Goobtaas si nabadgelyo
ah uga saaraan 84 qof oo shacab ah oo ay ku jiraan Caruur yar yar, Dumar iyo
dad Waayeel ah.