Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa c soo saaray ogeysiin ku saabsan inuu baxsad yahay Ex. A/Le Cabdirasaaq Cali Macalin oo hore uga tirsanaa Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, kaasoo ab loo tixgelin xubin katirsan Ciidanka Boliiska ama Hay’addaha amaanka ee kale.
“Eedeysanahaan baxsadka ah oo galay dembiyo kala duwan kuna kacay qiyaano qaran, waxaan ka codsanaynaa cidkasta oo aragta ama hesha xog ku saabsan oo sahli karta soo qabashadiisa in ay la wadaagto Saldhigga Boliiska ee kugu dhaw ama ay wargaliyaan Laamaha amniga ee ugu dhaw. FG:- Cidii ku guuleesatay waxey helidoontaa amaabmarin ay ku qanacdo Insha-Allah.” Ayaa lagu yiri Qoraalka Booliska.




