Booliska Soomaaliya oo baadi goobaya Nin dil geystay

Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyay inay ku raadjoogaan Nin Macalin ahaa oo shalay degmada Wartanabadda ee Gobolkan Banaadir ku diley Haweeney Xaaskiisa aheyd.

Afhayeenka Booliska Sadiiq Aadan Cali oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay inuu baxsaday eedeysane Bashiir Cali Jaamac, kadib markii uu dilay xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray Salaado Faarax Cali oo ahayd 22 sano jir ahayd.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Afhayeenka in eedeysanaha uu kamid ahaa mAcalimiinta wax ka dhiga Iskuulka Hantiwadaag oo ku yaalla degmada Wardhiigley ee Gobolkan Banaadir, hayeeshee laamaha Amniga Soomaaliya ay baadi goob ku hayaan.

Ugu dambeyn Afhayeenka Booliska Sadiiq Aadan Cali waxaa uu sheegay in kiiska dilka ah au baaris ku hayaan Hay’adaha Amniga, isla markaana wixii soo kordha ay Warbaahinta la soo wadaagi doonaan.

Ehellada Salaado Faarax Cali oo aheyd Haweeneyda la dilay oo Maanta Warbaahinta la hadlay ayaa ka dalbaday dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya in Cadaalad la horkeeno Ninka ka dambeeyay dilka Gabadhooda.