Booliska Paris oo kala ceyriyay banaanbaxayaal

Booliska Magaalada Paris ee xarunta dalka France ayaa dibadbaxayaal ku kala ceyriyay Gaaska indhaha ka ilmeysiiya kadib markii dadka banaanbaxaayey oo jaakado adag watay ay ka dhaga adeegeen amarkooda.

Kumanaan banaanbaxayaal ah oo ka cabanaaya qiimaha shidaalka dalkaasi oo la kordhiyay ayaa isugu soo baxay Magaaladaasi waxa ayna cod dheer ku sheegeen in aynan joojin doonin mudaharaadyada ilaamaa codsigooda la maqlo oo wax laga qabto qiimaha shidaalka ee la kordhiyay.

Kol sii horeysay oo maanta ah ayey Booliska Paris gacanta ku dhigeen nin dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bambo Gacmeed iyagoo wixii intaas ka dambeeyay boolisku bilaabay baaritaano intaas ka badan waxa ayna rabsahadaani ku bilaabatay kadib markii banaanbaxayaasha ay iska diideen amar boolisku siiyay oo ahaa in ay wadooyinka furaan si nolosha si caadi ah ugu soo laabato shaqada booliskana ay qabsadaan.

Durbadiiba waxaa falkaasi dhaliilay hay’addaha u dooda xuquuqul insaanka ee dalkaasi France iyaga oo eedeymo kala dul dhacay Booliska Paris, balse Booliska ayaase ku jawaabay ” Waxa aynu sameynay wax waliba oo aan ugu digi karnay balse bananbaxayaasha waxa ay u muuqdeen kuwo aanan diyaar u aheyn awaamiirta Booliska, waana wax aynu xaq u leenahay oo waa qeyb kamid ah howsheena in aan sameyno wax waliba oo aan amaanka ku sugi karno”.

Xigasho: Aljazeera