Booliska oo xiray Askar diiday amar ah in aan la ridi karin rasaas

Ciidanka Booliiska Gobalka Banaadir oo kaashanaya Hay’adaha ammaanka Caasimadda ayaa xiray eedeysanayaal gaaraya 9 Askari oo ka ka kala tirsan Ciidammada Qalabka Sida.
Raggaan ayaa jebiyay amarkii ahaay in aan la ridi karin rasaas loogu dabaal degayo maalmaha xoriyada.
War kasoo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in ay socoto baaris maadaama ay jiraan qasaaro ka dhashay xabadihii sharcidarada ahaay ee la riday xalay, iyada oo Wiil Dhalinyaro ahaa oo deganaa degmada Wadajir uu ku geeriyooday.