Shirkadaha Maraykanka oo doonaya in ay maal gashadaan Soomaaliya

Danjiraha Cusub ee Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya  Richard H. Riley oo la kulmay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya  Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Dawladiisa ay diyaar u tahay in ay xoojiso Xiriirka  kala dhexeya Soomaliya .

Danjire  Riley ayaa boogaadiyay Guulaha  ay Dawlada Soomaaliya ka gaartay dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo bulshada, isagoo ugu hambalyeeyay dowladda Soomaaliya ka mid noqoshada xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sanadka 2025 – 2026.

Sidoo kale Danjiraha Maraykanka ee Soomaliya  Richard H. Riley ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, wuxuuna xusay in shirkadaha Mareykanka ay si weyn u daneynayaan iney maalgashi ku sameystaan Soomaaliya.

Hadalka ka soo baxay Safiirka Cusub  ee Dawladaa Maraykanka u fadhiya Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli Dawlado badan ay tartan ugu jiraan inay  maalgashadaan Soomaaliya .