Waxaa saaka magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaabmay qeybinta kaararka codbixinta ee doorashada qof iyo cod, iyadoo tallaabadani ay qeyb ka tahay diyaar-garowga wejiga ugu muhiimsan ee doorashada guud ee dalka.
Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay in bixintu ay ka bilaabatay dhowr degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir, gaar ahaan kuwa xeebta ku teedsan sida Xamar Weyne, Shingaani, Boondheere, Xamar Jajab, Waaberi, Shibis iyo Cabdicasiis.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa ku boorriyay muwaadin kasta oo hore isu diiwaangeliyay inuu tago goobtii uu isku diiwaangeliyay si uu u qaato kaarkiisa codbixinta. Wuxuu sheegay in qof kasta loo diri doono fariin u sheegaysa goobta saxda ah ee laga helayo kaarka.
Guddigu wuxuu sidoo kale sheegay in guud ahaan 42 goobood oo kala duwan laga hirgelin doono bixinta kaararka, si ay dadka u helaan adeeg si fudud oo dhow.
Bilaabashada qaybintan waxay ka dhigan tahay in magaalada Muqdisho ay si buuxda u gashay marxalad cusub oo doorasho, iyadoo dad badan la filayo inay saaka u dareeraan xarumaha loogu talagalay qaadashada kaararkooda.



