Biriq Khasaare geysatay oo ku dhacday Sh/hoose

Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in degaanka Cumar Beere ay ku dhacday Biriq khasaare geysatay.

Degaanka Cumar Beere ayaa 10 Km u jira degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida ay Risaala u sheegeen dadka degaanka Biriqda ayaa ku dhacday goobo barcad ah oo ay caruur ku caayaraayeen.

Hal qof ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay bariqdaasi, sidoo kale waxaa jira dadkale oo ay waxyeelo soo gaartay.