Muqdisho-RisaalaFM- Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS ayaa maanta laga hor aqriyay mooshin ku saabsanaa in dalka aan la keeni Karin badeecooyinka laga heli karo dalka.
Mooshinka ayaa waxaa ku saxiixnaa 53 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka.
Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa xildhibaanada ka hor aqriyay mooshinka, waxa uuna Xildhibaanada ka codsaday in ay ka shaqeeyaan sidii dalka looga joojin lahaa badeecooyinka la keenayo ee dalka laga heli karo islamarkaana fursad la siiyo wax soo saarka dalka.
Soo jedinta mooshinka kadib ayaa xildhibaanada Golaha Shacabka qaarkood waxa ay sheegeen in hada aan loo baahneyn sharcigaan iyo in dalka laga joojiyo badeecooyinka la keenayo.
Qaarkood waxa ay soo jeediyeen in daraasaad laga soo diyaariyo dhibaatada ay shacabka Soomaaliyeed ku qabaan badeecooyinka dibada laga keenayo.
Guddoonka Golaha Shacabka ayaa markii uu dhageystay talooyinka labada dhinac ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in dib loo celinayo mooshinkan sidoo kalena lagu wareejinayo Guddiga Kheyraadka ee Golaha Shacabka.
Guddoonka ayaa sidoo kale sheegay in Wasaarada ay khuseyso la farayo in ay daraasaad ka soo sameeyaan arrintaan isla markaana ay Golaha dib ugu soo celiyaan.
Dhanka kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa laga hor aqriyay wejiga labaad ee Hindise sharciyeedka Isgaarsiinta Qaranka, waxaana kulanka goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumada Soomaaliya.
Soo jeedinta ka dib ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka waxa ay ka yeesheen dood adag oo muddo saacado ah socotay iyo su’aalo si toos ah loo weyiinaayay Wasiirka iyo Guddiga Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka.


