BBC Oo Shaacisay Shanta Ciyaaryahan Ee U Sharaxan Abaalmarinta Laacibka Africa Ee BBC

Waxaa la shaaciyay ciyaartooyda isugu soo hartay tartanka laacibka Afrika ee Abaalmarin BBC ee sanadka 2016.

Shanta ciyaartooy ee u tartamaya abaalmarintan ayaa kala ah Yaya Toure oo Ivory Coast u dhashay, Pierre-Emerick Aubameyang oo Gabon ah, Andre Ayew oo Ghana kasoo jeeda, Sadio Mane oo Senegal ah, iyo Riyad Mahrez oo u dhashay Algeria.

Afar ka mid ah shantan ciyaartooy ayaa hadda ka dheela horyaalka Ingiriiska.

Yaya Toure ayaa abaalmarintan ku guuleystay sanadkii hore, halka Andre Ayew uu helay sanadkii 2011.

Muddo bil gudaheed ah ayaa la shaacin doona laacibka ku guuleysta abaalmarinta.

Qaabka iyo shuruudaha: ciyaaryahanka Afrika ugu wanaagsan ee BBC sanadka 2016

Magacaabidda shanta ciyaaryahan ee isu soo haray waxaa soo dhigay qaar ka mid ah khuburadda ugu saraysa Afrika ee dhanka kubadda cagta.

Khabiirkaste oo dal gooni ah ka soo jeedana waxaa la waydiiyay in uu sheego saddexda ciyaaryahan ee uu is leeyahay way ugu fiican yihiin isaga oo sheegaya sida ay ukala

Waxaa la waydiiyay in ay magacaabidooda ku saleeyaan xulashadan: awoodiisa xirfadeed; la shaqaynta kooxda inteeda kale; xariifnimo joogto ah; saamaynta uu ku leeyahay natiijooyinka iyo dhexdhexaadnimo arrimahaas oo uu soo bandhigay xilli ciyaareedkii 2015/16.