Bayern oo guul weyn heshay kulanka Classic ah oo ay Dortmund la cayaareen

Arjen Robben, Roberto Lewandowski iyo David Alaba ayaa qeebsadeen goolasha Bayern Munich ku dul martay naadiga Dortmund.

Cayaarta Classic ah ahayd waxay isku badashay mid Bayern ku awood badneyd madaama ay 3-1 guusha ku qaateen inkastoo garoonka Dortmund la joogay.

Arjen Robben ayaa Bayern hogaanka u dhiibay daqiiqadii 17-aad waxaana caawinaad xeeladeesan ka geestay James Rodriguez.

Robert Lewandowski ayaa kooxdiisii hore hogaanka ku fogeeyay asigoo gool qurux badan ciribta ku dhaliyay kadib markii kubad jooga hoose ku socoto uu ka helay Joshua Kimmich daqiiqadii 37-aad.

Qaybta labaad ee cayaarta naadiga Dortmund waxay dadaal u gashay inay labada gool iska soo gudo balse uma suura galin.

David Alaba ayaa cayaarta 3-0 ka dhigay daqiiqadii 67-aad waxaana caawinad ka geestay James Rodriguez.

Kooxda Dortmund goolka calanka waxaa u dhaliyay daafaceeda Spanish-ka ah Marc Bartra daqiiqadii 88-aad.

Bayern ayaa 3-1 guusha ku qaadatay waxayna guushan kaga dhigan tahay inay leedahay 26-dhibcood ayadoo cayaartay 11-kulan waxayna hogaanka Bundesligaha 4-dhibcood kaga hayaan naadiga RB Leipzig.

Dortmund guuldarada ku dhacday ayaa ka dhigan inay Bayern 6-dhibcood ka hooseeyaan sidoo kalena booska sedexaad ayay u dhaceen waxaana 20-dhibcood haatan la wadaagto naadiga Schalke oo ay daris yihiin aadna u xifaaltamaan.