Waxaa run ah in aad tahay qof gaar ah oo ka soocan aadanaha kale ee alle abuuray, waxaana dhab ah in aad leedahay shaqsiyad cid kula wadaagta aysan jirin inta bilyan ee adduunka ku nool .waxyaabaha ay ku kala soocan yihiin waa hab dhaqanka deegaanka iyo dabeecadda.
Qormadan gaar ah waxaan kaga warami doonaa si kooban in aad tahay qof yaqaan nafsaddiisa, dhaqankiisa, cidda uu la noolyahay, ma jirtaa wax aad jeceshahay ? sideese u raadisaa ? waa maxay masuuliyaddda aad heysaa ? ma leedahay hadaf ama yool ? Calooshaada iyo maskaxdaada ma isla eg yihiin mise kama warqabtid ?waa maxay nolosha dhabta ah mise ka run sheegtaa ?
Qeybtii Koowaad.
1- Ma taqaan qofka aad tahay ?
Waxaa la arkaa dadka qaarkii in ay is moodsiiyaan cidda ay yihiin iyagoo tusaale iyo ku dayasho u ah cid kale taasna sax maaha. waxaa lagaga maarman ah in aad tahay ruux is yaqaana wiil ahow ama gabadh ahow. Weligaa ma is weydiisay qof nuucee ah ayaan ahay ? inta aad muraayad hor tagtay adiga oo keligaa ah ma is qiimeysay ? oo ugu yaraan 10 daqiiqo nafta ma su’aashay xageed u socotaa? weligaa nafsadaada maka qortay qoraal aad ku ogaaneysay heerka ay joogto iyo halka ay higsaneyso ? weligaa kala duwanaanshaha kugu dhaca ma tahay qof og sida uu ku yimid iyo xalka ay leedahay ? .
Qeex oo sharax adigoo qoraya cidda aad tahay xageed ka soo bilowday heerka aad markaa joogto mid saxan iyo mid khaldanba. sidee bisha ama bilaha amaba sanadka ama sanadaha soo socda aan doonayaa in aan u jiheeyo nolosheyda?
Dhamaan su’aalahaasi waa kuwa u baahan jawaab in aad adiga isku hesho ee maaha mid qof kale kaaga imaanaya. waxaase muhiim ah in aad taqaan cidda aad tahay heerka aad joogto ceeb maaha haddii qoyskaada faqiir yahay ama heyntooda yar tahay, baro hab dhaqanka hana ka been sheegin waayo dad badan oo ku aaminsan ayaad ku weyn doontaa beenta aad ka sheegtay noloshaada. marnaba ha isku qancin in adoo qof kale ixtiraamaya aad aasto hab nololeedkaada adigoo is leh yuusan kaa dareemin ama haddii uu ogaado wuu kugu ceynayaa wuxuuna kuu arkayaa qof liita. ogow waxaad gashay badweyn cidlo ah adigoo saaran doon aan naaquude laheyn.
2-Cidda aad la nooshahay .
Horaa loo yiri qofkii sirtiisa la bixin waayo saaxiibkii/teed ayaa la eegaa. waa oraah qiimo iyo dhaxal gal ah waxeyna tilmaameysaa saameynta fiican iyo midda xun in labadaaba kugu yeelan karo ruuxa aad mar kasta isku dhowdihiin. hadaba su’aalahan is weydii waa ayo ruuxaan aan la socdaa ? adigoo eegaya dhaqanka, dabeecadda, diinta iyo muxuu yahay hadafka uu isaga nafsad ahaantiisa uu leeyahay ? xagee ii hogaaminayaa ? weli maku aragtay waxyaabo aadan ka helin uu ruuxaasi sameynayo ? sidee uga falcelisay mise waad iska aamustay ? ka waran haddiiba uu yahay qof aan hadaf laheyn misana aad iska daba socoto? adigoo ku qiimeynaya quruxda, lacagta, reernimada iyo qofkan dadka oo dhan ayaa taageera ( Dameeri dhaan raran raacday in aad tahay sow ku sifoobi meysid ? haa ama maya jawaabta waa sida aad isaga dhex aragto.
Maxaan jecelehay sideense u raadiyaa ?
Qod kasta wuxuu leeyahay dookh uu wax ku jeclaado go’aankiisana uu leeyahay. hadaba jaceylkada ma kan farxadda wixii aad aragto ku saabsan baa ? mise waa kan qalbiga ka soo go’ay oo ad muddo ku taameysey in aad maalin uun waxaasi hesho. jaceylka. qor wax kasta oo aad jeceshay oo ay ku jiraan alaabta, dharka, guryaha , baabuurta, iwm. sidoo kale qor wax kasta oo aad necebtahay dabadeed isbarbardhig samee kee badan. kadib haddii uu waxa aad jeceshahay bato ma heysaa waddadii aad ku heli laheyd mise waxaad tahay ruux isagoo soo jeeda riyoonaya ogow waxaad raacday hawada naftaada wax aad heysidna ma jirto. waxaa lagaaga baahan yahay kala doorasho iyo kala horeysiin adigoo u eegaya kee mudnaanta leh, ma jiraa waxyaabo aan jeclahay laakiin aan ka maarmi karo ? samee liis aad ku qoreyso 10 waxyaabood ee ay naftaadu jeceshahay kadib ka sii dhex dooro seddexda ugu sii muhiimsan kadib ka sii xulo midka ugu sii mahiimsan markaa ku dhaqaaq kaasi ogow kaas ayaa ah baahidaada koowaad.
Caloosha ,jeebka iyo maskaxda ma isla shaqeeyaan ?
Aadanaha waa u caado in naftiisa ay baahiyo badan ku xeeran tahay dalabka naftuna waa mid aan dhamaan ilaa aad dhimato. waana wax aan lala yaabeyn adigoo oo maanta si fiican u soo qadeeyay in haddana galabtii caloosha ku tiraa waxaad u baahan tahay waxyaabo yaryar oo macmacaan ah lkn jeebka ayaa hadla xiligaa oo ah waxbaad heystaa ee baashaal ruux yahaw hase yeeshee haddii fariinta caloosha aad u hogaansato ogow waxaa isla shaqeynaya caloosha iyo jeebka. haddiise aad fariinta caloosha aad u gudbiso maskaxda waxaa kuu soo baxaya in caqliga shaqeeyo uuna is weydiiyo haddii wax kasta oo cunto iyo sharaab ah aad caloosha ku riddo waxaad wax u tartay caloosha kaliya,haddiise maskaxda aad ka shaqeysiiso waxaad wax tartay dhamaan jirkaada oo dhan. hadaba ha noqon calooshiis la cayaar aanan kala garan baahisa aasaasiga ah ee ay nafta u baahan tahay iyo waxyaabaha korsocodka ah ee faakiheysiga loo yaqaan lagana maarmi karo.
Qeybtii 1aad waxbixintan ku saabsan baro nafsaddaad waxaan ku soo gabagabeynayaa hal xigmad oo ah ( In aad ogaato nafsaddaada waa bilowga wax kasta ) insha allaah la soco qeybta 2aad todobaadka danbe.
W/Q Siciid Xagaa Afrax
[email protected]