Barcelona oo u sheegtay Arsenal qiimaha ay ku heli karto Andre Gomes

Naadiga Arsenal ayaa si aad ah u dooneysa lasoo saxiixashada laacibka khadka dhexe uga ciyaara Barcelona ee Andre Gomes.

Laacibka reer Portugal ayaa ku jira toddobo ciyaaryahan oo ay Barca dooneyso inay iska iibiso xagaagan maadaama isticmaalkooda oo aan loo baahnaan doonin.

Bluagrana ayaa dhiggeeda Gunners u sheegtay in Gomes ay kaga iibiniyaan qiimo gaaraya £20m.

24-jirkan ayaa laba xilli ciyaareed la hor kaga soo biiray Barcelona dhanka kooxda Valencia, balse ma noqon mid sameeya bandhig wanaagsan.

Arsenal ayaa ka caga jiideysa inay la diyaar noqoto qiimahaas inay ku hesho xiddiggan, balse kooxdiisii hore ee Valencia ayaa isku dayday inay amaah ku qaadato inkastoo laga diiday.

Aleix Vidal, Marlon Santos, Munir, Douglas, Rafinha iyo Sergi Samper ayaa dhammaantood ka maran qorshaha Ernesto Valverde ee sanad ciyaareedyada soo aaddan.