Barcelona Oo Shaki Galisay In Lional Messi Sii Joogayo Kooxda

Tababaraha kooxda Barcelona Luis Enrique ayaa diiday inuu cadeeyo in Lional Messi uu sii joogi doono kooxda isla markaana uu saxiixi doono heshiis cusub.

Qandaraaska uu kula kooxda Barcelona kabtanka Argentin Lional Messi ayaa ku eg sanada 2018-ka waxa uuna iska diiday sida la sheegayo inuu heshiiska u kordhiyo kooxdiisa.

Kooxaha qaarada Yurub ugu dhaqaalaha badan ayaana heegan u galay arintan, iyagoona ka warsugi doono go’aanka ugu danbeeya.

Kooxaha milkiilayaasha reer Carbeed ee Manchester City iyo PSG ayaa laga yaabaa inuu ku biiri mucjisa Barcelona kooxahaas haddiii uu tago koxdii uu kuso barbaaray ee Barcelona.