Barcelona Oo Qiratay Daafac Dhexe Oo Ay Ka Soo Iibsanayaan Mid Ka Mid Ah Kooxaha Ugu Waa Weyn Premier League Ka Hor Isniinta

Ronald Koeman ayaa ka hadlay baahida uu u qabo inuu daafaca dhexe ee Manchester City Eric Garcia keensado Barcelona xagaagan.

Tababaraha reer Holland ayaa jeclaan lahaa inuu daafac dhexe la soo wareego ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga, wuxuuna jecel yahay inuu soo xerogeliyo daafaca reer Spain.

“Suuqa kala iibsiga wuxuu furan yahay ilaa iyo Isniinta, waxaan dooneynaa inaan la soo wareegno Eric Garcia sababtoo ah waqti xaadirkaan waxaan heysanaa seddex ama afar daafac dhexe, booskaas ciyaartoy yari ayaa inaga heysa” ayuu yiri tababaraha Barcelona.

“Waxaan arkay wixii uu Pep Guardiola ka yiri ciyaaryahanka, waxaan rajeynayaa inaan keeni doono.

“Waan ognahay in dhaqaale ahaan ay xaalada cakiran tahay.

“Waan xiiseyneynaa laakiin ma garanayo haddii aan heli doono”

Waxa uu sidoo kale ka hadlay mustaqbalka Ousmane Dembele kaasoo lala xiriirinayo inuu ka tagayo Camp Nou, islamarkaana aan weli si joogta ah u ciyaarin.

“Wax kale idiin kagama sheegi karo Dembele” ayuu yiri.

“Waxaan mar walba isku dayaa inaan qaab ciyaareedka ugu fiican ka soo saaro kooxda, haddii uu jiro isbedel sabab jirta darteed ayaan u sameeyay.

“Haddii Pedri ama Trincao ay ciyaareen waxaa u sabab ah inay u qalmeen inay ciyaaraan.