Raadinta Barcelona ee xagaagan Neymar ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhashay rabitaankii Lionel Messi ee ahaa inuu arko saaxiibkiisii hore oo ku soo laabanay Camp Nou.
Kooxda heysata horyaalka Spain ayaa la fahamsan yahay inay hogaamineyso kooxda ay xafiiltamaan ee Real Madrid tartanka loogu jiro weeraryahanka Paris Saint-Germain, kaasoo doonaya inuu ka tago Parc des Princes labo sano ka dib markii uu ku soo biiray.
Wadahadalada ayaa u muuqda kuwa adag, sababtoo ah qiimaha PSG ay dalbaneyso oo ah 200 milyan ginni oo aysan jawaab ka bixin Barca ilaa iyo haatan.
Jariiradda ka soo baxda dalka Faransiiska ee Le Parisien ayaa sheeganeysa inay ku adkeysaneyso Barcelona raadinta 27-jirkan looguna talagalay inay ku qanmaadaama ay doonayaan inay ku qanciyan Messi, kaasoo isha ku haya inuu arko Neymar oo kusoo laabtay Catalunya.
Warbixinta ayaa sheegeysa in Barcelona ay ku soo laaban doonto dalab cusub oo ay ka gudbiso Neymar isbuuca soo socda, laakiin waa inuu noqdaa mid qancin karaa PSG oo ka quusatay celinta xiddiga reer Brazil.
Neymar ayaa afar sano ku qaatay Barcelona intii u dhaxeysay 2013 iyo 2017, isagoo dhaliyay 105 gool 186 kulan.