Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xeer Madaxweyne Lr-62, Ogoosto 19, 2019 ku magacaabay Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Booliska Puntland.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka Puntland.
Markuu Tixgeliyey: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa ciidanimo
Wuxuu Xeeriyey:
1.Waxaa S/Guuto Caydiid Axmed Nuur Siciid loo magacaabay Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Booliska Maamulka Puntland,waxaana uu horay u ahaa taliyihii Ciidamada Bariga Gobolka Sanaad ee Somaliland,hayeeshee uu isku soo dhiibay Ciidamada Puntland.
Xeerarkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.



