
Christian Pulisic ayaa iska diiday Man Utd sabab la xiriirtay Jose Mourinho, sida laga soo xigtay ilo ku dhaw ciyaaryahanka.
Xiddiga reer Mareykan ayaa 57.6 milyan oo ginni ugu dhaqaaqay Stamford Bridge xagaagan isagoo uga soo dhaqaaqay kooxda Borussia Dortmund, wuxuu ogolaaday inuu ku biiro kooxda Frank Lampard bishii Janaayo, waxaana la rajeynayaa inuu buuxiyo booska uu baneeyay Eden Hazard oo ku biiray Real Madrid.
Markii uu ahaa 7 sano jir, Pulisic wuxuu ku biiray kooxda aaan ciyarin wax horyaaalka ah ee Brackley Town oo ka dhisan England, laakiin Robin Walker ayaa ku casuumay Jarmalka ka hor inta uusan u dhaqaaqin Chelsea.
Walker ayaa hadda daaha ka qaaday in Pulisic – oo ahaa nin laga doonayay Yurub oo dhan – uusan xiiseyneynin inuu u dhaqaaqo United sabab ka lla xiriirtay Mourinho oo uu u arkayay shaqsi aan dooneyn inuu siiyo fursad da ‘yarta.
Wuxuu ahaa taageere Chelsea, wuxuu ku soo barbaaray London, ”Walker ayaa u sheegay The Telegraph.
Markii uu joogay Dortmund sanadkii hore, waxaan u sheegay inay tahay inuu yimaado England. “Ma aadi doono Manchester United sababtoo ah Jose Mourinho ma ahan mid ka shaqeyn kara horumarkeyga.
“Ka waran London? Halkaas ayaa ah meesha ay ku taal kubadeyda. ”Waxaan isku dayay in aan tago dhowr jeer.
Wakiilka ayaa ogolaaday inaan la hadalno iyaga: ‘Markaad go’aamadan gaateyso waxaad u baahan tahay inaad isbedel sameyso.


