Sky Sports News ayaa goordhow baahisay in Barcelona si lama filaan ah looga soo diiday dalab ay ka gudbiyeen mid ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan kooxda Everton iyadoo Barcelona ay si weyn u dooneyso weeraryahan bishaan Janaayo.
Sida Sky Sports ay sheegtay Everton ayaa soo diiday dalab 100 milyan euro ah oo u dhiganta 85 milyan ginni oo ay kooxda reer Catalans ka soo gudbiyeen weeraryahankooda reer Brazil Richarlison.
Kooxda Merseyside ka dhisan ayaa durbadii loo soo gudbiyay dalabka horay ka soo diiday iyagoo aan dooneynin inay iibiyaan hantidooda ugu qaalisan.
Everton ayaa u sheegtay Barcelona inay doonayaan inay sii xoojiyaan kooxdooda bedelkiisa ay wiiqi lahaayeen.
Kooxda Blaugrana ayaa baadigoob ugu jirta weeraryahan ay ku xoojiso kooxdeeda inta ka harsan xilli ciyaareedkan ka dib dhaawacii soo gaaray Luis Suarez.



