Wararka laga helayo saakay dalka Spain ayaa sheegaya in daafaca buuxa ee kooxda Juventus ee Dani Alves laga doonayay inuu ku laabto kooxdiisi hore ee Barcelona in bishii January.
Daafac Brazilian ka ah ayaa ku biiray kooxda Bianconeri xagaagii hore isagoo si xor ah kaga soo tagay garoonka Camp Nou, si waliba, wargeyska Mundo Deportivo ayaa sheegeysa in xidigaan ay markii hore ku adkaatay nolosha magaalada Turin sidaas darteedna uu doonayay inuu ka tago kooxdiisa.
Barçelona qudheeda ayaana aad ugu dhibtootay iney buuxiso booskii uu baneeyay Alves’ waxayna labada dhinacba isku dayayeen iney dib ugu midoobaan gobolka Catalan club, sidaasi ay qoreyso Mundo Deportivo.
Barcelona ayaa xalay markale aragtay Alves oo hogaan 2gool ah u dhiibay kooxdiisa Juventus kulankii lugtii koowaad ee Champions league ee Porto xili uu dhawaan eedeeyay Barcelona.


