Barakac ka socda Gaalkacyo

Gaalkacyo-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegayaan in Barakac xooggan uu ka socdo halkaasi oo maalmihii dhawaa ay Dagaallo ka socdeen.

Magaalada ayaa waxaa ku dagaalamayey Ciidamo ka kala tirsan maamulada Puntland iyo Galmudug ee kala dega Waqooyiga iyo Koonfurta Magaalada.

Xaafado badan oo Magaalada ka mid ah ayaa iminka haawanaya, ayada oo dadka Magaalada ka qaxaya ay ka cabsi qabaan in ay dagaalada Magaalada ay saameyn ku yeeshaan.

Dadka qaar ayaa sheegay in ay degeen meelo banaan ah oo Magaalada ka baxsan oo aad u kulul.