Banaanbax ka dhacay Garowe “SAWIRRO”

Garowe-RisaalaFM- Magaalada Garowe ee xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa maanta ka dhacay Banaanbax looga soo horjeedo Dagaalka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Banaanbaxan ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka iyo Boqolaal dadweyne ah oo isaga kala yimid xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Garowe.

Qaar ka mid ah dadka Banaanbaxa dhigayay oo la hadlay warbaahinta ayaa Maamullada Puntland iyo Galmudug ugu baaqay in ay joojiyaan Dagaalka Gaalkacyo.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay Dagaal geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

 

1s 2s 3s 4s 5s 6s