Weeraryahanka kooxda Real Madrid ee Gareth Bale ayaa si aad ah loola xiriiriyay kooxda Manchester United tan iyo markii uu furmay suuqa kala iibsiga ee xagaaga.
Bale ayaa ka dhawaajiyay inuu doonay inuu si joogto ah u ciyaaro maadaama uu macallin Zidane kursiga keydka ku illoobay taasi oo in badan soo jeedisay United.
Shan maalmood ka dib markii Los Blancos ay gacanta ku dhigtay tartan Champios League-ga waxaa kooxda iska casilay macallinkii hore ee Real Madrid ee Zinedine Zidane.
Real Madrid ayaa magacaawday macallinkeeda cusub iyadoo xilkaa u dhiibtay macallinka xulka qaranka Spain laga soo ceyriyay ee Julen Lopetegui, kaasoo maamulka Los Blancos la wareegi doona.
Bale ayaa go’aansaday inuu iska joogo Bernabeu maadaama Zidane uu meesha ka baxay, isagoo rajeynaya inuu si wanaagsan uga hoos ciyaaro macallinka cusub ee Lopetegui.
Arrintan ayaa meesha ka saaraysa rajada Red Devils ee 28-jirkan kula soo saxiixan lahayd, maadaama uu si shakhsi u go’aansaday sii joogitaanka Madrid.


