Bakayoko oo ku biiray AC Milan

Tiemoue Bakayoko ayaa ugu dambeyn dhammeystiray heshiiskiisa ku biiritaanka AC Milan.

Chelsea ayaa ciyaaryahankan Serie A u dirtay hal xilli ciyaareed oo amaah ah, oo ay ku jirto €35m oo ay xagaaga dambe ku iibsan karto.

23-jirkan oo hal jeer u saftay xulka qaranka France ayaa lasoo bandhigi doonaa maalinta Jimcaha oo taariikhda ku beegantahay 17-ka August 2018.

Bakayoko oo xagaagii hore Blues kaga yimid kooxda Monaco ayaa qaab xumi ku bilawday xilli ciyaareedkiisii koowaad ee Stamford Bridge, halka xilli ciyaareedka cusub uu Maurzio Sarri qorshahiisa ka saaray.