Baarlamaanka Puntland oo u yeeray Madaxweyne ku xigeenka Puntland

Boosaaso-RisaalaFM- Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa su’aalo weydiinaya Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland C/xakiin Xaaji Camey, kaas oo su’aaulo laga weydiinayo dagaalada ka dhacaya gobolka Sanaag.

Xubnaha Baarlamaanka ayaa u yeeray Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland C/xakiin Xaaji Camey in si deg deg ah uu ku hor yimaado Baarlamaanka.

Dagaaldan ayaa yimid kadib markii maalmihii udambeeyay ay xiisado colaadeed ka taagnaayeen gobolka Sanaag oo u dhaxeeyay maamulada Puntland iyo Soomaaliland.

Gobolkan ayaa qeybo ka mid ah waxaa ka arimiya maamulka Puntland halka sidoo kalena qeybo kale oo ka mid ah ay maamulaan Soomaaliland.

Xiisadanahan ayaa waxa ay ka bilowdeen kadib markii maamulka Soomaaliland ay sanaadiiqda cod bixinta ay gaarsiiyeen deegaano ka tirsan gobolka Sanaag.