Baarlamanka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Dawladda Soomaaliya ku eedeeyey in ay oggolaansho la’aan dhankooda ah u xanniban tahay dhismaha dekedda magaalada Boosaaso oo ay gacanta ku hayso shirkadda Imaaraadka ee DP-World.
Guddiga Howlaha Guud iyo Ganacsiga ee Baarlamanka ayaa sheegey in warqad oggolaansho ah oo laga rabay DFS aysan weli keenin, isla markaana aan wax muuqda laga qaban dekedda.
Guddigu syaa waxay si gaar ah eedda dusha uga tuureen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo,iyada oo ay xusid mudan tahay in Shirkadda DP World ay u diideen Baarlamaanka Soomaaliya inay dalka ka Shaqeyso.
Shirkadda DP-World ayaa dekedda Boosaaso la wareegtay Bishii October ee sanadkii 2017-dii ,waxaana dhawaan la filayaa in Baarlamaanka Puntland ay dib u eegis ku sameeyaan heshiiskii at DP World la gashay Puntland.



