Muqdisho-RisaalaFM- Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, iyaga oo kulankooda ku ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda 2017-ka, qeybta sanadkan ka dhiman.
Arrinta la xiriirta Miisaaniyadda Dowladda ayaa xilliyadii u dambeeyay waxaa socotay sidii lagu ansixin lahaa, maadaama arrimo badan ay muhiim u aheyd ansixintooda.
Kulanka xildhibaanada Baarlamaanka ay ku yeesheen xarunta Golaha Shacabka ee ay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Dowladda ayaa waxaa aqbashay in Miisaaniyadda la ansixiyo 167 xildhibaan, halka 2 xildhibaan ay diideen.
Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqay wixii hada ka dambeeya in ay ansax tahay Miisaaniyadda Dowladda 2017-ka.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaalle Bayle ayaa soo dhaweeyay ansixinta Miisaaniyadda Dowladda 2017-ka, ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa 2-dii Bishan sheegay in la fasaxay Miisaaniyadda Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya bilaha July iyo August inta ay socoto Dooda Miisaaniyadda guud ee Dowladda 2017.
Sababta go’aankaas loo qaatay ayuu ku sheegay in ay tahay inaanay marna hakan xuquuqda Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya, hadii ay ahaan laheyd raashiinkooda, adeegooda iyo mushaaraadkooda.


