Baaq mar kale loo diray xildhibaanada K/Galbeed

Baydhab-RisaalaFM- La Taliyaha Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee dhinacyada Siyaasadda iyo amniga ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin guud ahaan arrimaha siyaasadda iyo dib u dejinta dadka barakacayaasha ah ee soo gaaraya magaalada Baydhabo.

C/laahi Maxamed Idiris ayaa sheegay xilligan in aysan jirin shaqsiyaad mucaarad ku ah jiritaanka Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, taasina ay tahay hormaro kala duwan oo Koonfur Galbeed ay ku sii talaabsaneyso.

“Wax mucaarad ah oo la taaban karo majiraan, waxaan sidaas u iri, Mucaarad waxaa la yiraahdaa qofkii leh xisbi siyaasadeed, Koonfur Galbeed xisbi siyaasadeed ma lahan, waxa jira xildhibaano yar oo leh mucaarad ayaan nahay, balse inta badan waa muxaafad”. waxaa sidaas yiri C/laahi Maxamed.

Dhanka kale C/laahi Maxamed Idiris La Taliyaha Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee dhinacyada Siyaasadda iyo amniga ayaa Baarlamaanka Koonfur Galbeed ka codsday in ay si deg deg ah ku ansixiyaan xukuumadda cusub, si uusan u imaan dib u dhac.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa 30-kii July ee sanadkan waxa uu isku shaandheyn ku sameeyay Golihiisa Wasiirada, wuxuuna magacaabay Wasiiro ka kooban 24 Wasiir, 24 Wasiir Kuxigeen iyo 5 Wasiiru Dowle, tirada Wasiiradan ayaa ka dhigan 53 Wasiir, isaga oo sidoo kale Baarlamaanka Koonfur Galbeed ka dalbaday in ay ansixiyaan Wasiiradan cusub.

Siid Cali Muuse Maxamed (Ateera), Radio Risaala, Baydhabo.