Ezra Chiloba “Kombuterada guddiga doorashada Kenya lama jabsanin”

Madaxa fulinta guddiga doorashada Kenya, Ezra Chiloba, ayaa sheegey in hanaanka combuuterada ee guddiga aan loo dhicin saacada ka dib markii guddoomiyaha guddigaasi uu sheegay in eedeyntaasi baaritaan lagus ameyn doono.

Mar sii horreysay ayaa hogaamiyaha mucaaradka Kenya, Raila Odinga waxa uu sheegay in hanaanka combuuterada guddigaasi loo dhacay si codadla loogu shubo madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Chiloba, ayaa sheegey in natiijooyinka hadda lasoo gudbiyey aysan ahayn kuwa rasmi ah, kuwa rasmigana ay yihiin kuwa ku qoran foomamka gacanta ku qoran ee laga soo gudbin doono goobaha codka laga dhiibtey.

Wax yar ka dib markii uu Raila diiday natiijooyinka hordhaca ah ayaa rabashado goos goos ah waxa ay ka dhaceen xaafad ka mid ah magaalada Nairobi iyo Kisumu.