Axmed Tibi oo loo doortay Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Israa’iil.

Xildhibaan Axmed Tibi, oo hoggaamiya xisbiga Taal kana mid ah hoggaanka isbahaysiga xisbiyada Carabta ee Baarlamaanka Israa’iil (Knesset), ayaa loo doortay Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka, sida ay baahisay warbaahinta Al Jazeera.

 

Doorashada Axmed Tibi ayaa timid xilli Baarlamaanka cusub ee Israa’iil uu galay marxalad siyaasadeed oo cusub, kaddib doorashadii dhacday 27-kii Oktoobar, taas oo xulafada Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ay ku waayeen aqlabiyadda kuraasta Baarlamaanka.

 

Xisbiyada Carabta ee ku jira Baarlamaanka ayaa doorashadii ugu dambeysay ku guuleystay 19 kursi, halka xulafada Netanyahu ay heleen 53 kursi oo ka mid ah 120-ka kursi ee Baarlamaanka, taas oo ka dhigan inaysan haysan aqlabiyaddii ay ku sii maamuli lahaayeen dowladda.

 

Dhanka kale, hoggaamiyaha mucaaradka Gadi Eisenkot ayaa loo xilsaaray dhismaha dowladda cusub, isaga oo taageero ka helay xildhibaano doonaya in la soo afjaro xukunka Netanyahu.

 

Si kastaba ha ahaatee, Netanyahu weli wuxuu sii hayaa xilka Ra’iisul Wasaaraha si ku-meel-gaar ah, inta laga dhisayo dowladda cusub, waxaana weli socda dadaallada lagu dhisayo isbahaysi siyaasadeed oo cusub.