Australia oo ka hadashay sababta ay isku gubtay gabadha Soomaaliyeed

Wasiirka Socdaalka ee dalka  Australia ninka lagu magacaabo  Peter Dutton ayaa ka hadlay  talaabada ay Hodan Yaasiin isku gubtay ,waxuuna sheegay in falkaas uu yahay mid laga naxo.

Peter Dutton ayaa eedeeyn kulul u soo jeeday Hay’addaha  gar gaarka iyo kuwa u dooda xuquul insaanka oo sheegay in ay ku dhiira galiyeen Hodan hamiga beenta kasoo keenay in ay is gubto.

Wasiirka ayaa sidoo kale weeraray qaar ka mid ah dadka u dhashay Australia iyo siyaasiinta oo uu sheegay in ay dhiira galiyaan in dadka magangeliyo doonka ah in dib u dejin loo sameeyo.

“waxaan halkaan ku heyna gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Hodan Yaasiin  taasoo 21 jir ah,waxaan u fidinay gargaar caafimaad,waxaana garwaaqsanahay in dareenkeedu uu tusay in ay isgubto,taasna waxaa sabab u ah kuwa qaxootiga dhiiragaliya”  ayuu yiri wasiirka Socdaalka dalka Australia Peter Dutton.

Maalmo ka hor ayey ahayd  markii gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Hodan yaasiin ay isku gubtay Jasiirada kutaala dalka Australia.