Kabtanka Atletico Madrid ayaa la xaqiijiyay inuu taam u yahay kulanka ay kooxdiisa la ciyaari doonto Barcelona lugta hore wareega Quater Finalka koobka Horyaalada Yurub ee Champions League-ga.
Daafacaan muhiimka ah ayaa dhaawac uga maqnaa kooxdiisa tan iyo lugtii labaad ee PSV ee dhacday March 15, balse Khamiistii ayuu tababarka kooxda dib ugu soo laabtay.
Diego Simeone ayaa shirkiisii jaraa’id ee ka hor kulankii Real Betis ee sabtidii dhacay ku sheegay in Godin ay rajeynayaan inuu taam u noqdo kulanka Barcelona ee ka dhici doona Camp Nou, maanta ayaana la xaqiijiyay inuu ciyaari karo kulankaas.


