Atletico Madrid ayaa diyaar u ah in ay Chelsea dagaal adag kula galaan adeega xiddiga kooxda Napoli Faouzi Ghoulam, sida ay werinayso majalada Calciomercato.
Chelsea ayaa lagu soo waramaya in ay xiiseynayso 25 sano jirkan, balse Atletico ayaa u diraysa maamulkeeda in ay soo daawadan kulanka ay toddobaadkan ciyaari doonaan kooxda Napoli horyaalka Serie A da dalka Taliyaniga.
Si kastaba ha ahaate daafacan biddix da ku xamaasha ayaa hadda wadda hadalo kula jira naadigiisa Napoli oo doonaysa in ay heshiiska u kordhiso xiddigan qandaraaskiisa uu ku eg yahay sanadka 2018.


