Warbaahinta ayaa sheegaysa in askari Faransiis ah oo Waardiye ka hayey matxafka Louvre ee Paris rasaas uu ku furay nin uu kaga shakiyey inuu weerar damacsanaa.
Ninkaas oo ku dhawaaqayey “Allaahu Akbar” ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayey inuu midida uu sitay ku dhufto askariga.
Ninka weerarka ahaa ayaa la sheegay inuu doonayey inuu galo dukaan ku yaala matxafka.
Dadkii ku jiray matxafka Louvre ayaa iyagana laga daad gureeyay Goobta.
Wararka ku saabsan dhacdadani way isa soo tarayaan, laakiin af-hayeenka booliska Faransiiska ayaa isna sheegay in ninka weerarka qaaday ku dhawaaqayey “Allaahu Akbar” oo ah erayo af-carbeed ah oo ka dhigan Allaa weyn, hase ahaatee uusan sidan waxyaabaha qarxa.


